Number of View :5432
Kulan aad u balaaran oo looga hadlayo danta gobolada ay dagaan beesha ayaa waxa uu kusoo xirmay Magaalda Muqdihso waxaana kulankaasi kasoo qeyb galay Odayaal, Waxgarad, Aqoonyahano, Dhalinyaro iyo Haween u dhashay beesha oo aad ugu dhuun daloola arimaha gobolka.
Guud ahaan Waxgaradkii halkaasi isugu yimid ayaa waxa ay ka doodeen xaalada ka jrta deegaanda Galinsoor iyo Qodax-toonle haatan taa oo ay kasoo bexen qodobo waxtar u leh gaar ahaan deegaanada.
Kulankaan ayaa daba joogay dhowr kulan oo dhawaan lagu kala qabtay qaaradaha Yurub iyo Afrika oo dhamaantooda looga hadlayay danta deegaanka iyo sidii loo hormarin lahaa deegaanada beesha ayadoona kulankii maanta Muqdisho lagu soo idleeyayna uu kaga gadisanaa kuwii hore uga dhici jiray dalka iyo dibadiisa qodobadii shirka kasoo baxay ayaa waxaa ka mid ahaa:-
Dhamaan dadkii kulankaasi kasoo qeyb galay ayaa aad u soo dhaweeyay natiijadii kasoo baxday shirka ayadoona kulankaasi qeybtiisa labaad lagu qaban doono dalka Kenya maalinta Sabtida ah ee nagu soo aadan taariikhdana ay ku beegantahay 20-October taa oo noqon doonto mid daba socda kulamada inta badan looga hadlayo arimaha deegaanka iyo sidii lagu hormarin lahaa.
Beesha Reer Jalaf ayaa dadaalo badan ugu jirtay mudooyinkii ugu danbeysay hormarinta siyaasada beesha iyo guud ahaan deegaanka ayadoona kulamadaan ay wax badan ka badaleen gudaha wadanka gaar ahaan deegaanada.
Wixii talo iyo tusaale ah fadlan noogu soo hagaaji:-