Gabdhaha Jaaliyadda Galmudug oo ku soo dhoweeyey Abwaanad Sahra Daahir Mire Magaalada Stockhlom ee Dalka Sweden.

Number of View :1165

Xaflad si wanaagsan loo soo agaasimey ayna ka soo qeyb galeen dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada  ayaa habeenimadii xalay waxa lagu qabtey Hotelka Jubba Magaalada Stockhlom ee Dalka Sweden Xafladan oo uu xiriirinayey Maxamuud Kulane oo ka mid ah masuuliyiinta Galmudug ee Jaaliyadda Stockhlom ayaa ugu horeyntii waxaa uu u mahad celiyey Abwaanad Sahra Daahir Mire wuxuuna ugu mahadceliyey dadaalkii dheeraa ee ay Abwaanadu u soo gashey Dalkeeda iyo Dadkeeda iyadoo suugaanta ku wacyi galineysa bulshada meelkastoo ay joogaanba si loo helo Nabad iyo Dowladnimo wuxuuna ugu horeyntiiba mikroofanka ku soo dhoweeyey Xasan Maxamuud (xasan bidaar) oo ka mid ahaa asaasayaashii Dowladgoboleedka Galmudug State mahadcelin ka dib wuxuu ku nuuxnuuxsadey heesihii ay sameysey Abwaanad Sahra Daahir Mire sida ay u baraarujiyeen bulshada iyo kaalinta ay ka qaateen Nabadgelyada geyiga wuxuuna cadeeyey in Sweden ay tahay halkii laga aasaasey Galmudug ayna joogaan dad jecel Dowladgoboleedka Galmudug State ayna ku faraxsan yihiin in ay caawey soo dhoweeyaan Abwaanad xagooda qaali ka ah. Dhanka kale waxaa isaguna qudbad qiimo leh ka soo jeediyey Cabdi Nur Ciise oo ahaa mas,uul ka socdo Maamul goboleedka xibin iyo xeeb wuxuuna u mahadceliyey ugu horeyntiiba abwaanadda kaalinta wanaagsan oo ay bulshada ka gasheyna ay tahay mid aan marnaba la iloobi doonin. Sidoo kale Marwo Nadiifo Foodxuux oo ka mid aheyd dadkii halkaas ka hadlay ayaa waxeey amaan u soo jeedisey Abwaanada dadaalkii dheeraa oo ay u soo gashey Galmudug ayna ku faraxsan tahay in ay nagu soo booqato Dalkaan Sweden. Cilmi Degel oo kaalin weyn ka qaatey soo dhoweynta Abwaanada dhankastoo la eegaba isla markaana ka mid ahaa aasaasayaashii Galmudug ayaa waxa uu hoosta ka xariiqey kaalinta suugaanta Soomaaliyeed ay ka qaadato horumarinta Nabada Dowladnimada iyo dariswanaaga waxana uu hadalkiisii ku soo gabogabeeyey in Abwaanad Sahra Daahir mire ay ka mid noqotey dadka baalka dahabka ah ka galey taariiqda.

Dhanka kale waxaa xaflada si weyn uga dhex muuqdey gabdhaha jaaliyada galmudug ee gobolka Gävle.

 

Xafladan oo aheyd xaflad aad u quruxbadan ayaa waxaa wacdaro ka dhigey Fanaanka Caanka ah ee Crisaaq Gaadaco,isagoo halkaas ku soo bandhigey heesihiisa kuwii ugu casrisanaa uguna dambeeyey oo ay dhamaan dadkii xaflada ka soo qeyb galey u riyaaqeen sidoo kale fanaanka da,da yar Daahir ayaa isagana u hagarbaxay xafladii qiimaha badneyd ee loo sameeyey Abwaanad Sahra Daahir mire.

Ugu dambeyntiina Abwaanada Ayaa u mahadcelisey dhamaan mas,uuliyiinta Odoyaasha Fanaaniinta,Hooyooyinka, Gabdhaha, Dhalinyarada iyo dhamaanba intii soo qabanqaabisey xafladaan qiimaha badan waxeyna sheegtey iney sii labanlaabi doonto dadalkeeda.

Abwaanad Sahra Daahir Mire oo ay aad u jecelyihiin bulshada gaar ahaan kuwa ku abtirsada magaca Galmudug ka dib markii ay curisey suugaan aad u tiri badan oo ay ka mid yihiin heesaha lagu amaano Galmudug ayna ka mid tahay heesta caanbaxdey ee ah GAARBEY U LEEYIHIIN GALGADUUD GALMUDUGEEY iyo kuwo kaloo badan ayaa xafladii ay u sameeyeen ree sweden waxey ku dhamaatey guud ahaan sidii loogu talogaley.

 

W/Q: Fardowsa Sh Xasan Kuriya


Wixii Talo IyoTusaale Ah Fadlan Noogu Soo Hagaaji:-
galmudugtv@gmail.com ama
galmudugtv@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII HORE