Number of View :2565
Waxaa magaalada kampala ee dalka Uganda ka socday shir ay wada qaadanayaan unka iyo wafdi balaaran oo ka socda dowlad gobleydka galmudug oo uu hor kacaayo gudoomiyaha baarlamaanka galmudug Cuuke.
Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa Arimaha amniga, Burcad badeeda, kor uqaadista waxbarashada caafimaadka iyo sidii looga hor tagi lahaa inay dhibaato ka geystaan deegaanada galmudug ururka al.shabab.
Waxaana kamida wafuuda shirka ka qeyb galeysa oo uu hor kacaayo gudoomiyaha baarlamaanka galmudug cuuke, wasiirka arimaha Gudaha Abshir diini, wasiirka gadiidka cirka iyo dhulka Abdulahi yaroow iyo wasiirka arimaha Gudaha Abshir diini.
Shirkaan ayaa socon doona ilaa mudo shan cisho ah ayadoona lagu falaqeyn doono arrimo badan oo quseeya horumarka deeganada galmudug.
Wixii talo iyo tusaale ah fadlan noogu soo hagaaji:-