Hay,adda COSV oo Maro Kaneeco Daaweysan ka qeybisay Degmadda Marka+Sawiro

Number of View :81726

Hay’adda COSV ee ka hawl gasha Gobolka Sh/hoose, Banaadir iyo Gobolka Gedo ayaa ah Hay’addaha ugu wax qabadka wanaagsan hay’adaha ka hawl gala Gobolka Sh/hoose.
DSC06307
Xiriiriyaha Hay’adda COSV ee Gobolka Shabeelaha Hoose Mr Ahmed Ali Dhayib ayaa sheegay inay tuulooyin badan oo hoos taga Magaalada Marka ay ka qeybiyeen maro Kaneeco Daaweysan, wuxuuna sheegay gargaarka ay u fidinayaan dadka Gobolka ay sii wadi doonaan.
Maro Kaneecada daaweysan ee la siiyey dadka danta yar ee ku nool tuulooyin hoostaga Magaalada Marka ayaa ah mid aysan kaneecadu usoo dhowaan karin muddo sanado ah. Deeqdaan Hay’adda COSV ka qeybisay Gobolka ayaa waxaa ka mahad celiyey Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Sh/hoose Dr Abdulkadir Mohamed Nur.
Dr Abdulkadir Mohamed Nuur ayaa mahad balaaran usoo jeediyey waxqabadka wanaagsan ee Hay’adda COSV Marka u heyso shacabka Gobolka Sh/hoose.
Gudoomiyaha Gobolka Dr Abdulkadir ayaa sheegay in dhamaan Hay’addaha ka hawl gala Gobolka looga baahan yahay in hawlaha dhinaca Samafalka ay laba laabaan.
DSC06318
DSC06309

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII HORE