Suldaanka Reer Jalaf oo Baaq u direy Cabdi Qeybdiid

Number of View :6100

Waxay ilatahay in qofkasta uu u jeedo arinta guracan oo Cabdi Qaybdiid uu Galkacyo iyo hobyo ka wado.waxaanse leeyahay geel laguma helo saad cabdow ku haminaysid. waxaa hubaal ah in laga gudbay waqtigii hogaaminta kooxaha Dagaal oogayaasha ah.oo loo tilaabsaday waqti ka gadisan  midda cabdi iyo kooxdiisu ku fakarahayaan oo ah in dadka lakala qaybiyo si hadaf been abuura looga dhaadhiciyo oo aan waxba ka soo caano casaanay waa hubaal in boqolkiiba lixdan iyo shan ka soo horjeeddo  Abdi Qaybdiid .

waxaan rabaa in aan iraahdo humbaalaynta iyo darbi fuulku waxba kuu noqon maayo ee waa in aad u quntaa waxa naga dhexeeya waad ogtahaye. ha ku riyoonin in laguugu soo dhaweeyo deegaamada ugu culus Galmudug oo aad garanaysid
waxaad hubtaa in aan kula taliyay bishii ogoosto Ee sanadakii tagay oo aan kuu sheegay in aan lagu taageersanayn ee aad latimaadid jawi kabadalan midkaad ku sugnayd oo ahaa qalaalaasaha aad hadda ku jirtid. adeer gab gab iyo isciilkaambis ka shaqeyn meyso Galmudug ee intaad sal mugi u fariisatid ka jid bax garta laguu haysto markaas ka bacdi aan ka wada hadalo ciddii isku wadi lahayd beesha sacad oo aan ogahay in ay ku kala tagtay siyaasad xuma daada iyo guracnaan
waxaan mar labaad kugula talinaayaa inaadan u qaadan warqadda ina hayl xamar ka keeney oo wasiirka arimaha gudaha iyo Amnigu u sodhiibay ogow in aanay micne badan ku dhisnayn oo aysan  buur kaa tilaabsiin karin wuxu waa warqad ra.yi qof qaldamay qoray waxaana ku filan ima qusayso waxay lamid tahay middii lugu qoray warshadda baastada 16 iyo toban sana ka hor oo ad ka soo hor jeesatay.

waxaan shaki ku jirin in ay ku haysato oo kugu soo burqanayso suntii aad walaaqday majirto cidkaa fur furi karta geedka aad ku xirantahay. miyaad ilowday eed daad gashay iyo tolkaad isku jabisay mahilmaantay walaalnimaddii aad goysay soo ma ogid in uu jiro rag kula xisaabtamikara miyaad durba hilmaantay tii aad goysay oo saaxiibnimo iyo tii tolnimo iyo walaalnimo maxaa sikaa ah cabdow hambada dadka ka hartay haday ku yiraahdeen adaa dunshay mana dhisi kartid waxay garanaayaan oo hortooda ka muuqda dabkaad shiday hadday ku yiraahdeen maqashayada kugu aamini mayno soo jid kuuguma laha .

haddaan u soo noqdo taageerayaasha cabdi waxaa haysata maah maahdii ahayd dumarku foosha iloobi ogkaa oo walaalnimada aad raadinaysaan ma waxay dhalatay 96dii ka bacdigee mise waad is hilmaantee markii odagu uu soo xayd xaytay waxaa laydinka rabaa in aad gogol dhigtaan oo aad walaalnimo baadi goobtaan adinkoon xildoon ahayn haddad u qabtaan in wax idiin dhisanyihiin ogaada laf cad baad toobin ku haysaan ee waqtigu yuu idinka dhumin waxaan beelwaynta sacad ugu baaqayaa in aysan ku guban dabka galmudug ka huraya

wabilaahi towfiiq
SULDAAN CABDI JAAMAC CABDILLE GOROD

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII HORE