Number of View :1871
Wasiirka iskaashiga iyo xariirka caalimaga ee dowlad goboleedka Galmudug cade cali gurey oo aan maanta ku booqdey xafiiskiisa magaalda Nairobi ayaa iiga warbixiyey arimo dhowr ah
Wasiirka ayaa ka Hadley shirkii ka dhacey magaalada muqdisho oo ay soo qaban qaabiyeen madaxda dowlada somaaliya ayaa sheegey in shirkaasi uu ahaa mid xasaasi ah oo looga doodey qaabkii ay u dhaceen dorashooyinkii maamulka Galmudug waxa uuna cade tilmaamey in ay sharciga waa faqeen dhinacooda taasina ay sahashey in arjo fiican ka haleen dowlada iyo caalamkaba
Cade cali Gurey ayaa sidookale ka Hadley shaqaaqo shaley ka dhacdey magalada Galkacyo taasi oo uu ku tilmaamey mid ay ka dambeeyeen kooxo mucaarad ah oo kasoo horjeeda hormarka Galmudug waxa uuna tilmaamey in raga la diley aysan aheyn kooxo isbaaro u tiiley balse ay ahaayeen niman kasoo goostey cabdi qeybdiid lana shaqeynaayey madaxweynaha Galmudug maxamuud cabdi cilmi
Ugu dambey wasiirka iskaashiga ayaa ka Hadley warar kasoo baxey maamulka Putland oo ay ku andocoonayeen in hoobiyaal laga sootuurey dhanka Galmudug kuwaasi oo ay sheegeen in ay ku dhaceen xaafada ay ka dagan yihiin magaalada galkacyo
Wasiirka ayaa ku tilmaamey arintaasi waxba kama jiraan waxa uuna ugu baaqey in ay arimaha dhexdooda ah aysan siyaasadeen
Halkaan ka Dhageyso wareysiga wasiirka